Abaanduulihii ciidamada milatariga ee xilka laga qaaday oo beeniyay in uu goostay

Cabdullaahi Cali Caanood. [Sawir Hore]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Abaanduulaha ciidamada milatariga Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa beeniyay in uu ciidamo la goostay.

Cabdullaahi Cali Caanood oo wareysi siiyay laanta Af-Soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay in aysan jirin wararka sheegaya in uu cidamo la goostay, isaga oo intaas ku daray in uu xilka wareejin doono marka uu dhammaado hawlgal uu sheegay in uu hadda ku jiro.

Caanood ayaa hoggaaminaya ciidamo badan oo ku sugan gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo maalmihii u dambeeyay ay dagaal kula galeen maleeshiyada Al-Shabaab.

Maalmihii u dambeeyay, waxaa soo baxayay warar sheegaya in uu jiro khilaaf u dhaxeeya abaanduulaha iyo dowladda kadib markii madaxweynuhu uu xilka ka qaaday.

Agoosto 16-keedii, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa isku shaandheyn ku sameeyay haayadaha amniga, Caanood ayaa kamid ah saraakiisha ciidamada xilka waayay, waxaana booskiisa loo magacaabay Odawaa Yuusuf Raage.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*