7 askari oo Kiinyaati ah oo lagu dilay qarax ka dhacay meel u dhow magaalada Dhooblay

7 askari oo Kiinyaati ah oo lagu dilay qarax gaari meel u dhow magaalada Dhooblay. [Sawirka]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Ugu yaraan todobo askari oo Kiinyaati ah ayaa lagu dilay labo kalena waa lagu dhaawacay kadib markii waxyaabaha qarxa lala beegsaday gaari ciidan meel u dhow magaalada Dhooblay oo u dhow xadka Kenya Axadii, sida ay sheegeen dad goobjoog ah.

Gaariga ayaa la socday kolonyo markii uu qaraxa la kacay, kaasoo keenay qarax weyn, sida ay goobjoogayaashu sheegeen.

Ilo-wareed katirsan ciidamada Soomaaliya kaasoo codsaday in aan magaciisa la sheegin ayaa sheegay in uu arkay meydka todobo askari oo Kiinyaati ah iyo labo kale oo si xun ugu dhaawacmay qaraxa. Isaga oo intaas ku daray in qaraxa uu gaariga burburshay, taasoo sababtay in si dhaqso ah ay askartu u dhintaan.

Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa sheegatay in 15 askari ay ku dileen qaraxa.

Goobjoogayaasha ayaa sheegaya in tirada dhimashada ay ka badantahay todobo askari, halka dhowr kalena ay dhaawacmeen.

Kolonyada ayaa qeyb ka ahayd ciidamada Kenya ee katirsan howlgalka milatariga Afrika ee Soomaaliya oo loo yaqaan AMISOM. Baabuurta ayaa ku sii jeeday saldhig ciidan oo ay ku leeyihiin magaalada Dhooblay ee gobolka Jubbada Hoose.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*