Kenya oo dib u dhigtay lix bilood xiritaanka xerada qaxootiga Dhadhaab

Dowladda Kenya oo furtay xerada qaxootiga Dhadhaab 1991. [Sawirka: Reuters]
Nairobi-(Puntland Mirror) Kenya ayaa sheegtay in ay dib u dhigtay lix bilood xiritaanka xerada qaxootiga ugu weyn caalamka ee Dhadhaab kadib markii Qaramada Midoobay iyo kooxaha gargaarka ay u jeediyeen in ay dib u dhigaan xritaanka xeradaas.

Dhadhaab ayaa hadda waxay hoy u tahay dad lagu qiyaasay 350,000, waxaana la furay sanadkii 1991-dii kadib markii uu dagaalka sokeeye ka qarxay dalka dariska la ah Kenya ee Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha gudaha dalka Kenya, Joseph Nkaissery ayaa maanta oo Arbaco ah sheegay in dib u dhigida ay dabasocotay codsi kayimid haayada Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiyaasha (UNHCR) si qaxootiga ay dib uga xir-xirtaan xerada.

Bishii May, dowladda Kenya oo daliishanaysa walaacyo ammaan ayaa iclaamisay in xerada qaxootiga ugu weyn caalamka ee kutaala waqooyiga-bari ee Kenya ay xiri doonto.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 240 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*