40 sanno kadib duulimaadkii diyaadareed ee ganacsi oo isku xira Muqdisho iyo Addis Ababa oo bilaabmi doona asbuuca soo socda

National Airways oo fadhida garoonka diyaaradaha Garoowe halkaas asbuucii lasoo dhaafay ay duulimaad ka bilowday. [Sawirka]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Diyaaradii ugu horeysay ee ganacsi oo isku xirta caasimada Soomaaliya ee Muqdisho iyo caasimada Itoobiya ee Addis Ababa ayaa la filayaa in asbuuca soo socda ay kasoo degto garoonka diyaaradaha ee Aadan Cabdulle.

Diyaarada National Airways, oo horey loo oran jiray Air Ethiopia, oo ah diyaarad ganacsi oo fadhigeedu yahay Itoobiya ayaa bilaabi doonta duulimaadka asbuuclaha ah ee Addis Ababa iyo Muqdisho, sida Xuseen Xoosh oo katirsan masuuliyiinta diyaaradda uu u sheegay warbaahinta.

Waxay noqon doontaa markii ugu horeysay in ka badan 40-sanno duulimaad ganacsi oo labadaas magaalo isku xira.

Xukuumaddii Madaxweyne Maxamed Siyaad Bare ayaa joojisay diyaaradihii ganacsi ee isku xiri jiray Muqdisho iyo Addis Ababa kadib dagaalkii 1977-dii oo labada dal dhexmaray.

Diyaaradda ayaa sidoo kale sameyn doonta duulimaadyo Muqdisho iyo meel0 kale isku xiri doona, sida uu sheegay Xoosh.

National Airways ayaa asbuucii lasoo dhaafay duulimaadyo asbuucle ah oo isku xiri doona Garoowe iyo Addis Ababa ka bilowday garoonka diyaaradaha Garoowe.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*