20 qof oo lagu dilay weerar ka dhacay makhaayad kutaala Bangladesh

 

Dowlada Bangladesh ayaa sheegtay in 20 qof lagu dilay weerar ay niman dablay ah ku qaadeen makhaayad caan ah oo kutaala caasimada Bangladesh, Dhaka.

Nimanka hubaysan ayaa weerarka ku qaaday makhaayada Holey Artisan Bakery café gelinkii dambe ee Jimcadii, waxayna afduubasho u qabsadeen dadkii ku sugnaa makhaayada.

Labo iyo toban saac kadib ayaa ciidamada Bangladesh gudaha u galeen makhaayada iyagoo dilay lix kamid ah nimankii weerarka soo qaaday hal kamid ahna nolol ku qabtay.

Raysulwasaaraha Bangladesh Shiikh Hasina ayaa ku tilmaamay weerarkaas “Mid aad u naxdin badan”.

Bayaan ay soo saareen kooxda dowlada Islaamiga ah (ISIS) ayay ku sheegeen in ay iyagu ka dambeeyeen weerarkaas, waxayna sheegeen in ay dileen 20 qof oo wadamo kala duwan u dhashay.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*