20 maleeshiyo Al-Shabaab ah oo lagu dilay duqeyn Mareykanku ka geystay gobolka Hiiraan

Maleeshiyada Al-Shabaab. [Xigashada Sawirka: Aljazeera]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Duqeyn Mareykanku uu ka fuliyay bartamaha Soomaaliya ayaa lagu dilay 20 dagaalyahan oo katirsan Al-Shabaab, sida ay Talaadadii bayaan ku sheegeen Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM).

AFRICOM ayaa sheegay in ciidamada Mareykanka ay beegsadeen saldhig tababar oo ay Al-Shabaab ku lahayd meel u dhow deegaanka Shabeelay ee gobolka Hiiraan, kaasoo loo adeegsan jiray in lagu diyaariyo weerarada.

“Waxaa la ogaaday in duqeyntan lagu dilay 20 argagixiso ah laguna burburshay gaari,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay AFRICOM.

Mareykanka ayaa tan iyo sanadkii 2017 kordhiyay duqeymaha ka dhanka ah maleeshiyada Al-Shabaab ee ku sugan gudaha Soomaaliya, taasoo dagaal kula jirta Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Axadii, Mareykanka ayaa sheegay in ay ku dileen 35 dagaalyahan duqeyn ay ka geysteen meel u dhow magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Horaantii, bishaan Febaraayo, isaga oo la hadlayay guddiga Aqalka Senate Mareykanka u qaabilsan ciidamada, madaxa Taliska Mareykanka ee Afrika Janaraal Thomas Waldhauser ayaa sheegay in duqeymaha cirka ee Mareykanka keliya aan lagaga adkaan karin Al-Shabaab, loona baahanyahay in ciidamada Soomaaliya ay masuuliyad badan iska saaraan dagaalka.

About Abdi Omar Bile 748 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*