14 askari oo Puntland katirsan oo lagu qabtay dagaalkii Tukaraq oo dib ugu soo noqday Garoowe

Maxaabiista la sii daayay. [Isha Sawirka: ICRC]
Garoowe-(Puntland Mirror) Afar iyo toban askari oo Puntland ah kuwaasoo maamulka Somaliland ay ku qabteen dagaalkii Tukaraq ayaa maanta oo Isniin ah dib ugu soo noqday magaalada Garoowe ee caasimada Puntland, sida Haayadaha Laanqeyrta Cas (ICRC) ay ku sheegtay war-saxaafadeed.ICRC ayaa sheegtay in ay fududeysay diyaaradda siday askarta maxaabiista ah oo laga soo qaaday magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland.

Puntland iyo Somaliland ayaa dhawaan ku heshiiyay in ay is-dhaafsadaan maxabiista ay ku kala qabsadeen dagaalkii Tukaraq ee sanadkii la soo dhaafay dhacay.

Sidoo kale Puntland ayaa la filayaa in ay sii deyn doonto ilaa saddex askari oo Somaliland katirsan oo ay ku qabatay xilligii dagaalka.

Labada maamul ee deriska ah ayaa sanadkii 2018 dagaalo culus ku dhexmareen deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*