162 dambi oo dil ah oo ka dhacay gudaha Puntland sanadkii 2019

Xeer ilaaliyaha guud ee Puntland Maxamuud Xasan Aw-cusmaan. [Sawir Hore]
Garoowe-(Puntland Mirror) Waxaa gudaha Puntland ka dhacay 162 dil sanadkii lasoo dhaafay ee 2019, sida lagu sheegay xog uu sii daayay xafiiska guud ee xeer ilaalinta maanta oo Sabti ah.

Xafiiska guud ee xeer ilaalinta Puntland ma aysan faahfaahin sida ay u dhaceen dambiyadaas dilalka ah iyo cidii ka dambaysay.

Gobolada Mudug iyo Bari ayaa ah kuwa ugu badan oo ay dilalku ka dhaceen, waxaana Mudug ka dhacay 59 dil, halka Bari ay ka dhaceen 55.

Gobolka Sanaag ayaa ah gobolka ugu yar, waxaana ka dhacay hal dambi oo dil ah, sida lagu sheegay xogta.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*