13 xubnood oo katirsan Al-Shabaab oo lagu dilay duqeyn Mareykanka ka geystay gobolka Shabeellaha Hoose

Dagaalyahano Al-Shabaab ah. [Sawir Hore]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Milatariga Mareykanka ayaa sheegay in 13 xubnood oo katirsan ururka Al-Shabaab ay ku dileen duqeyn ka dhacday meel 48 kiilomitir u jirta magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa bayaan ku sheegay in duqeyntu ay Jimcadii ka dhacday meel u dhow deegaanka Gandarshe ee gobolka Shabeellaha Hoose. Bayaanka ayaa intaas ku daray in dagaalyahanada Al-Shabaab ay Gandarshe u adeegsadaan meel ay ku diyaariyaan qaraxyada ay ka fuliyaan Muqdisho.

Dhowr duqeyn oo Mareykanku ka geysteen bishii December ee sanadkii tagay meel u dhow Gandarshe, ayaa lagu dilay 62 dagaalyahan oo Al-Shabaab ah iyaga oo isu diyaarinayay in ay weerar ku qaadaan saldhig ay leeyihiin ciidamada Soomaaliya.

Kani waa duqeyntii 10-aad oo sanadkan uu Maraykanku ka fuliyo gudaha Soomaaliya. Sanadkii la soo dhaafay ayaa Mareykanku ka geystay ku dhawaad 50 duqeymood oo ka dhan ahaa Al-Shabaab gudaha Soomaaliya.

Khamiistii, 24 dagaalyahan oo Al-Shabaab ah ayaa lagu dilay duqeyn ka dhacday gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*