121 maxbuus oo laga sii daayay xabsiyada Puntland kadib markii madaxweynaha uu cafis u fidiyay

Xabsiga weyn ee Garoowe. [Sawir Hore]
Garoowe-(Puntland Mirror) 121 maxbuus ayaa laga sii daayay xabsiyada kuyaala Puntland maanta oo Axad ah kadib markii madaxweynaha uu cafis u fidiyay munaasabada Ciida Adxaha darteed, sida uu sheegay xeer ilaaliyaha dowladda Puntland Maxamuud Xasan Aw-cusmaan.

Maxaabiista la sii daayay ayaan ahayn kuwa galay dambiyada waaweyn sida dilka iyo kufsiga, xeer ilaaliyaha ayaa intaas ku daray.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*