11 qof oo muhaajiriin Soomaali ah oo kayimid Liibiya oo kusoo noqday Muqdisho

Muwaadiniinta Soomaaliyeed oo maanta oo Talaado ah kusoo noqday Muqdisho. [Sawirka: SONNA]
Muqdisho-(Puntand Mirror) 11 qof oo muhaajiriin Soomaali ah oo ka yimid dalka Liibiya ayaa ku soo noqday magaalada Muqdisho maanta oo Sabti ah, sida ay sheegtay masuul katirsan dowladda.

Maryan Yaasiin, oo ah wakiilka Soomaaliya u qaabilsan muhaajiriinta iyo xuquuqul iinsaanka ayaa warbaahinta u sheegtay in muwaadiniita kusoo noqday dalkooda oo ay ku jiraan caruur ay dhibbaato weyn kasoo gaartay dalka Liibiya.

Dowladda Soomaaliya ayaa asbuucii lasoo dhaafay Libya u dirtay wefdi si ay dib ugu soo ceshaan dad Soomaaliyeed oo ku dhibbaateysan halkaas.

Wefdiga ayaa tagay xeryo ay ku jiraan dad Soomaali ah, balse inyar oo kamid ah ayaa aqbalay in dalkooda ay ku soo laabtaan, halka intooda badan ay diideen, iyaga oo ku andacoonaya in mudadii ay tahriibta ku jireen ay dhaqaale badan ka baxeen waaliidkooda, aynsana laaban doonin ilaa ay gaaraan halka ay u socdeen.

Muhaajiriinta Soomaaliyeed ee ku sugan Liibiya ayaa lagu qiyaasay inta u dhaxeysa 5,000 ilaa 6,000, sida ay sheegeen wefdigu.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*